3 likes
Somali Human Resource Society (SOMHRS) waa urur xirfadeed oo u heellan kobcinta tayada maamulka kheyraadka aadanaha gudaha dalka. Waxaan ka shaqeynaa in la xoojiyo aqoonta, anshaxa xirfadeed, iyo hufnaanta hay’adaha iyada oo loo marayo tababaro, cilmi-baaris iyo la-talin.
Qiyamka Aasaasiga ah
Daacadnimo iyo hufnaan
Mas’uuliyad xirfadeed
Dhiirrigelin iyo wada-shaqayn
Tayeyn joogto ah iyo waxbarasho
Waxqabadka Guud
Horumarinta xirfadaha HR: tababaro iyo aqoon-is-weydaarsiyo.
Lataliyayaal ku takhasusay HR: istiraatiijiyad iyo hirgelin.
Dejinta siyaasadaha shaqada, anshaxa iyo nidaamyada maamulka shaqaalaha.
Services (Adeegyadeena)
1. HR Consulting & Strategy
Dejinta istiraatiijiyadda HR iyo qorsheynta awooda shaqaale.
Diyaarinta sharaxa shaqooyinka (job descriptions), nidaamyada qiimaynta waxqabadka (performance appraisal) iyo HR policies.
2. HR Operations & Payroll Support
Taageero ku saabsan hawlaha maalinlaha ah ee HR sida payroll, maamulka fasaxyada, iyo faylalka shaqaalaha.
Habayn iyo hagaajin hanaanka shaqaalaynta iyo onboarding.
3. Talent Acquisition & Recruitment
Caawimo dhanka helidda, qiimeynta iyo qoran shaqaalaha kartida leh.
La-talin ku saabsan hababka shaqo raadinta iyo wareysiyada.
4. Professional Development & Training
Tababaro xirfadeed oo gaagaaban iyo taxane ah (soft skills, HR technicals, labor law).
Materials iyo modules tababar oo la habeeyey iyadoo loo eegayo baahida hay'addaada.
5. Governance, Compliance & Ethics
Dejinta code of ethics iyo nidaamyada u hoggaansanaanta sharciga shaqada.
HR auditing iyo talooyin ku saabsan u hoggaansanaanta shuruucda maxalliga iyo kuwa caalamiga ah.
Comments (0)
Leave a Comment
No comments yet
Be the first to share your thoughts!